Showing posts with label Taariikh. Show all posts
Showing posts with label Taariikh. Show all posts

Monday, October 28, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

 

SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID

Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo 

la kala odhan jiray DAAROOD IYO ISXAAQ/ ISAAQ.

Sida sheekada loo dhigay…

waxa jiray nin carbaha ka yimid gaar ahaan yaman wuxu ka soo dagay 

magaalada maydh.

Dhulkan waxa daganaa reer la dhaho dir, odayga dir wuxu dhalay 4 wiil 

iyo gabadh, gabadha waxa la dhihi jiray doombira dirr.

Ninkii daarood ahaa waxa la siiyay gabadhii doombiro dirr halkaas ayuu 

soomalida kula dhaqmay wuxuuna dhalay 5 wiil.

Daarood wuxuu dhintay sanadkii 1108 milaadiga, waxaana lagu aasay 

magaalada haylan ee gobolka sanaag.

F.G : Mararka qaar waxa la dhahaa odayga daarood waxa uu uu soo 

dilay nin waana uu soo baxsaday wuxuuna yimid magaalada maydh 

wuxu arkay gabdho ceel ka dhaansanaya ka dibna rag ayaa foodeeyay 

darood ayaa ka celiyay gabdhihi gabadh ka mida ayaa aabaheed dirr u 

sheegtay in uu jiro nin maanta garab siiyay odayga dirna uu dhahaayo 

halkuu jooga markaasna ay u tilmaamayaan odaygii dirr ayaa u imanaya 

daarood oo jooga geed hoostii ( geed saaran ) dirr ayaa ku odhanayaa 

gabadhyda ayaa ku siinaya doombiro. Tani waa qisada nabi muuse ee 

ma aha wax run ah


Sheekada labaad…

waxa jiri jiray nin la odhan jiray sheekh isxaaq kaas oo ka yimid 

jasiirada carabta wuxuuna ka soo dagay magaalada maydh wuxu 

guursaday 4 xaas.

Sanadku yimid waxay ahayd 1200 miilaadiga.

F.G : mararka qaar waxa la dhahaa wakhtigii gumaystaha ingiriiska 

ayaa waxa dhacay in gumaystuhu dadka sadex qaybood u qaybiyay 

dabaqada sare dadka ingiriiska ah, dabaqada labaad carabta iyo 

hindidii shaqaalaha ahayd, dabaqada sadexaad dadkii dhulka loogu 

yimid ee soomaalida ahaa ka dibna odayaashii berbera iyo burco ayaa 

yidhi war niyaw innagoo dhulkan iska leh sideen dabaqada sadexaad 

u joogi karnaa carabna noogala sarraysiin karaa iyo hindi, ka dib 

odayaashii waxa ay qaraar ku gaadheen in ay dhaan annagu 

carab ayaa nahay.


SIDA RUNTA AH…. 

 

Soomaalidu sooyaalka ama dhacdada waxa ay ku soo gudbiyaan 3nooc.

  1. Maah maah( mararka qaar waxa jira maahmaahyo badan oo soomalidu ay ku muujiso dhacdo ama taariikh beri dhacday.

Tusaale: war mag taadu ma magtii bucur bacayr baa?

Maahmaahdaas waxa la adeegsada marka qof qaan kugu leh ama dayn 

aad wixi inaad siisid uu hadana ku dhaho waxbaa iigu kaa dhiman. 

Qisada bucur bacayr waa boqortooyo soomaalidu lahaan jirtay weliba 

waa kuwii ugu caansana balse dhacdo dhacday markay boqortooyadu 

burburaysay ayaa xikmadaas laga keenay

2. Sugaan ( waa mid ka mid ah qaabka ay soomaalidu wax iskugu soo 

gudbiso.

Tusaale : Ma ogtahay cirkii iyo dhulkii baa isqabsaday cararaqdoodiiye, 

adiguba caqlaad leedehe carar maxaa dhaama.?

Waa gabay tuduciisu halkaas maro wuxu kaga warramaya sayid 

maxamed cabdalle xasan markii ingiriisku diyaaradaha ku soo weeraray, 

gabaygaasi wuxu tilmaamaya taariikh aysan cidna goob joog u ahayn 

qofna uusan buug iyo qalin ku qorin, afrika dadkii ama dalkii ugu 

horeeyay ee diyaarado lagula dagaalamay markii dhul lagaga adkaan 

waayay ayuu tilmaamaya.

3. Sheeko ( waa qaybta 3aad ee ay soomaalidu wax iskugu soo gudbiso 

waana tan ugu saamaynta badan.

Tusaale : sheekada, dhagdheer, carraweelo, wiilwaal, mas duulaaga, 

xabaalo tiiri, sadexda dibi, cigaal shiidaad, hashii ciido.

Dhamaan sheekooyinkaas taariikh ayay xanbaarsan yihiin sheeko 

walbana waxa ka danbaysa taariikh fac wayn oo ay soomaalidu lahaan 

jirtay.

Aan u soo laabano labadii nin ee doonta ku yimid.

Horta sheekadu dhinac way ka sax santahay dhinacna way ka qaldan 

tahay.

35 kun oo sano ka hor dhalashadii nabi ciise (cs) ayay dhacday 

sheekadani labada nin ee doonta ku yimid, magacyadoodu waxa ay 

kala ahayeen DAA’UD IYO YISAK waxayna ahaayeen labadii nin 

ee ugu horeeyay ee yimaaday bariga afrika dhulka ay ka soo dageen 

ee maydh waa run lakin banii adam ma daganayn oo waxa ku noola 

xayaawano duur joog ah.

Labada nin way isla socdeen oo waxa ay ka soo jeedaan reerka barbari ilma xaam ilma nabi nuux cs waana faracii ay soomaalidu ka soo fircantay ama ay ku abtirsadaan.

Ragaasi waa ragii loo diray sahamintii reer barbar marka ay kala 

guureen reer kuush iyo reer misrayim waxa meesha ku soo hadhay 

reer barbar iyo reer kannaan.

Nimankan qisadooda oo dhamaystiran waxa aan ku xusi doonaa qaybta 

boqortooyada barbar. 

 


Tuesday, October 22, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 9aad )

  NOOC YADII GUURKA

Waxa aan ka hadli doona dhaqankii soomaalidii meeshii ugu saamaynta badnayd oo ah guurka.

Soomaalida waxa jira meelo aysan ka kaftamin ama aysan dheel dheel ka

noqon oo ay ka mid tahay guurku sidaas darteed soomaalidu aad ayay uga

maahmaahday guurka oo mararka qaar dumarku waxa ay ahaan jireen kuwo 

sababa dhiig inuu daato mararka qaarna waxa ay ahaan jireen kuwo sababa 

in dhiig la daadinaayo ka hor taga oo iyagu ay sabab u noqdaan in uusan 

dhiigba daadan.

Haddaba guurka soomaalidu waxa uu u qaybsama 9 sagaal mid walbaana 

waxa sharciyo gooni ah ayuu leeyahay sharaxaad gaarana wuu leeyahay 

balse marka hore waa taxayna ka dib ayaa sharaxayna.

1. GEED FADHIISI : waa guurka ugu badan ee ay 

soomaalidu is guursato

waana kan ugu sharafta iyo qiimaha badan, sido kale waa guur uu 

wiilku in uu reerkiisa ama waalidkii uu la hadlo uu u sheego arrinta soo 

korodhay ka dibna ay waalidiintu ay u iman jireen reerka ay gabadhu ka 

dhalatay markaasay ku odhan jireen “Maanta waxa aan u socona xaajo 

aan ahayn ugub ee ah curad oo waxa aanu doonayna inaa la xididno 

hebel oo aan kula  xididno heblaayo” ( Guur sharaf leh )


2. GODOB REEB: waa guur nabadaynta waa guurka marka ay is 

dagaalaan 

laba reerood ama beelood ee uu dhiig daato ee laga cabsado in dhiigu sii 

bato ama reerahani ay isdabar gooyaan ayaa waxa la samayn jiray laba 

reerood ayaa reer walba waxa laga soo kaxayn jiray gabdho weliba 

kuwa ugu quruxda iyo qaayaha badan markaasa reerba reerka kale siin 

jiray gabdhahaas, markaasa meeshaas dabka lagu damin jiray waana 

dhiiga ay dumarku joojin karaan xataa geela oo ah noolaha ugu qiimaha 

badan soomaalida dhexdooda ma joojin karo dhiigaas illa dumar 

mooyaane. ( Guur badbaado dhiig muslim )

3. QOONMAAL / QOOMAAL: waa guurka ku dhaca qoon ama 

nabar, 

waa marka wiil uu u gaysto gabadh nabar ama uu gacan u qaado si kam 

ah  wiilkaas waxa la dhihi jiray gabadhaas qaado adaa nabar u gaystee.

( Guur bilaa dookh ah ) 

 

 

Badana wiilkuu haddu gabadha nabar uu ugu dhufto si kas ah wiilkaas waa 
la dili jiray ama mag ayaa la kala qaadan jiray oo hawshaasi ma fududayn.


F.G. barigii hore ma jiri jirin kufsi ama xad gudubka sinada ee hadda la dabo 
daboole sidaas darteed haddi ay dhici lahayd in gabadh la kufsado waxa loo 

dili lahaa 10 wiil ama 20 gabdhood magtood ayay u dhigmi lahayd.


4. HEERIN :
waa gabdhuhu marka ay meel ku waawaynaadaan ee ay 

waayaan wax guursada waxa ay samayn jireen inta ay dhawr gabdhood 

isku urursadaan ayay safar gali jireen oo ay hadba reer u tagi jireen ka 

dibna ay odhan jireen heeriin ayaanu nahay micnaha guur doon ayaanu 

nahay (  guurkani sharaf malahaan jirin waana bilaa dookh. ) hadda ma 

jiro.


5. SOO GALID: waa marka ay gabadhu wiil jeclaato si toos ah ayay u iman jirtay gurigooda oo daarada ayay soo istaagi jirtay markaasay dhihi jirtay waxa aan rabaa hebel, gabadhaa sidaas samaysa lama eryi jirin oo guurkaas lama diidi jirin haddii ay la eryo gabadha 50 keeda ama magteeda ayaa la bixin jiray. ( guurkani sharaf ma lahaan jirin ) hadda ma jiro.
6. DUMAAL : waa ninku marka uu dhinto walalkii ama qof qaraabadiisa ayaa gabadha lagu daraa sababtuna waxa weeyaan si aysan caruurtu u fogaanin ( guurkan geeri ayaa keenta.)
7. XIG SIIN : waa gabadhu marka ay dhimato wiilka waxa lagu dari jiray gabadha walaasheed ama gabadh qaraabada ah si ay caruurtii u daryeesho. ( guurkan geeri ayaa keenta)
8. MASAAFO-GAYN : waa wiilka iyo gabadha marka la isku diido waa ay isla baxsadaan oo deegaan kale ayay isla aadaan sidaasayna ku aqal galaan. 
9. DHABAR GARAAC : waa gabadha marka ay diido wiilka oo ay dhahdo ma rabo wiilku wuxu u yeedhan jiray tolkiisa gabadhana qasab ayaa lagu kaxaysan jiray.( qaab labaadna wuu ku dhici jiray oo marka laba reerood is dagaalaan balse reeraha mid ka mid ah wax laga dilo ee kuwa kale soo aar goosan waayaan ama dadka qaar xal u arkaan in dagaal waxba so kordhinayn ayaa kuwa wax laga dilay rag ka mid ahi gabadh xoog ku soo kaxaysan jireen sidaas ayuuna dagaalku si toos ah ugu bilaami jiray reerahaas oo dumarku marna shidaalka colaadaha ayay ahaayeen marna biyaha colaadaha ayay ahaayeen.


XAQA AY KU LEEDAHAY OORIDU NINKEEDA

Waa sadexda shay ee ay gabadhu Xaqa ugu leedahay ninkeeda 


• Masruuf = waa biilkeeda

• Marriin = waa labiska sida dahabka alaabaha shoppinka iyo 

wixi shakhsiyadeed ay u bahantahay

• Marasho = waa hawsha habaynkii 















 

Tuesday, October 15, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 8aad )

GARSOORKII SOOMAALIDA 

Soomaalidu waligood waxa ay ahaayeen dad ilbaxsan oo horumar la 

taaban karo ka gaadhay nolosha dhan walba sidaas darteed ilaahay wuxu

ku mannaystay af hodan ah iyo garaad wacan sidaas darteed xilli ay bani

aadamka qaarkood cawaan ahaayeen oo aysanba garanayn xattaa kii 

abuurey soomaalidu waxa ay ahaayeen kuwo xeerar dajista wixii xukun 

ahna kitaabka alle u daaya wixi wada dhaqan ah ee bulshada 

dhexdeedana xeerar iyo shuruuc lagu wada nagaado u samaysta.

Marka ay laba qof wax isku qabsadaan waxa ay iman jireen geed hadhac

ah hoostii bulshada inteeda kalana ay ka soo qayb gali jirtay, waxaana 

loo yeedhi jiray odayadii garta goyn jiray, oo xiligaas miyi iyo magaalo 

meel kastaa waxa joogay garsoorayaal ay umadu u dooratay hawshaas 

xaq ilaahayna ka cabsanaayay oo aysan jirin eex iyo laaluush midna.

Gartu waxay u kala baxdaa 5 Nooc oo kala ah:

  1. GAR SOKEEYE
  2. GAR CADDAAWE
  3. GAR EEX
  4. DABA RAQAS
  5. JILLIB CARRO


Haddaba garta waxa loo goyn jiray: 

eedaysanaha iyo eedeeyaha labaduba inay goob joog ahaadaan.
Goobta inay shacab joogan si ay marag u noqdaan.
Garsooruhu in uu hadalka bilaabo.
Intaysan hadal eedeeyaha ama eedaysanaha in waydiimo laga waydiiyo dhibkooda.

Marka xeerarka hore la buuxiyo ayaa qodobkan u danbeeya la 

furi jiray oo ah in ay labada qof wax laga waydiiyo dhibkooda 

intaysan iyagu wax sheeginba.

Arin marka ay timaado waxaa loo qeybiyaa labo oo kali ah

1:Dhur

2:Dhaqan

kiiis oo Dhanna waa labadaas.

dhurku waa dhiigga.

dhaqankuna waa wixii kale oo dhiigga kasoo hara oo arin ah 

oo la isku Heysto. 

dhurku labo ayuu isna u qeybsamaa

dhurku labo ayuu isna u qeybsamaa

1:qudh baxdey

2:qoon.

qudh baxdey waa marka qof la diley oo dhinty arinkiisa la 

iskugu yimaado ayaa la dhahayaa ma qur baxdey baa mise waa 

qoon.

Qoon oo loola jeedo qofkaas isku heysatan miyuu dhinty mise 

dhaawac ayaa gaarey.

Qudh baxday waxa loo kala qaybiyaa laba qaybood

1 : Kas

2 : kama

KAS waxa loo kala qaybiyaa laba qaybood

1 : dil

2 : diyo

DIYO waxa loo kala qaybiyaa laba qaybood

1 : Timaado

2 : Tiigaale

Qoona waxaa looga jeedaa dhaawac ama nabar. (qaafley) ayaa 

la dhahaa.


Kiisku markuu dhaqan yahey labo ayuu aqeybsamaa waa

1:xill.

2:xoolo.

hadiii uu xoolo yahey waxa la isku Heysto labo ayuu u 

qeybsamaa

1:bar

2:beer.

haddii uu yahay waxa la isku Heysto barxoolad waxa uu u 

qeybsamaa labo qaybood.

1:magan

2:Moore.

Moore waa xoolaha Xero dhaladka ah oo aad leedahy.

Magana waa xoolo kula jooga lkn aadan laheyn sida xoolo 

baadi kuugu yimid ama xoolo maal laguu siiyey oo damac kaa 

galey.

Arrintu haday tahay xilo waxa ay u qaybsantaa labo :

1 : inan / gabadh

2 : oori

Marka arin la isku heysto ay adkaato oo labada qof kala bixi 

waayaan ama uu midi yidhaahdo xaq ma helin waxa lagu 

yidhaahdaa milad ama marag la imaw.

Milad waa dhaarta.

Maragna waa markhaatiga. 

(Miinley ayaa ladhahaa). 

dhulkaas jabuuti waxaa kajira xeer i

(Miinley ayaa ladhahaa).

dhulkaas jabuuti waxaa kajira xeer iyo xeegan. 

Xeer waa marka sida kitaabku qabo oo xaliye kiiska.

Xeer waa marka sida kitaabku qabo oo xaliye kiiska.

Xeegantuna waa marka abal horey la isku Galey la isku 

tixgaliyo.

Erayada ku jirey qormadan 

1.DHUR : oo dhiig looga jeedo.
2.DHAQAN : oo looga jeedo wixii kale ee la isku heysto. 
3.QUR BAXDAY : oo looga jeedo naf baxdey ama qof la diley oo dhinty.
4. QOON : oo looga jeedo dhaawac ama nabar qof soo gaadhey oo la isku heysto.
5. BAR : oo looga jeedo xoolaha nool ee socda.
6. BEER : oo looga jeedo wixi dhul kusaabsan .
7. MAGAN :oo looga jeedo xoolo aadan laheyn oo aad heysid si kasta ha kugu soo galaane.
8. MOORE :oo looga jeedo xoolo aad adi leedahy.
9. XAGAN : oo looga jeedo abaal la isku galey arinka ka hor.

10. XEER :oo looga jeedo sida kitaabku qabo in kiiska loo 

fuliyo

11. KAS : waa wax u dhacay si ku talo gal ah

12. KAMA : waa wax u dhacay si lama filaan ah

13. DIL : waa xukunka in qof tiirka la geeyo oo la toogto

14. DIYO : waa xukunka magta lagu kala qaato

15. TIMAADO : magta ma hal mar ayaad wada qaadanaysan ?

16. TIIGAALE : ma xeer cusub ayaad dajisanaysaan ?


MAAH MAAH AY LAHAYD SOOMAALIDU

« MILIL GUUDKII LAMA DHAYO »

« GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO »

« WALAALKA MAGTA LA BIXI MARAGANA KU FUR »








BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 7aad )

DHAQANKA SOOMAALIDA 


Marka laga hadlaayo dhaqanka soomaalida dhamaantood gees walba oo 

ay dunida ka joogan waa ay ka siman yihiin dhamaan dhaqanka guud.

Dhaqankoodu waa siday diintu qabto oo wax diinta lid ku ah dhaqan 

uma ahaa, dhanka magta waa isku wada xeer, dhanka wada 

noolaanshaha way ka wada siman yihiin idil ahaantood, dhanka xoola 

dhaqashada sadex ayay u kala baxaan geelley, lo’leey, adhi leey, taasna 

waxaa sababay dhul daaqsimeed ay ku kala nool yihiin.

Sido kale waxa jira beeralay, ugaadhsato, kallumaysato, iyo xoogsato 

ama muruq maalato.

Waxa jira wax ay ku kala duwan yihiin soomaalida dhex dooda waana 

qaab ciyaareedka iyo suugaanta.

Ciyaraha somalidu gaar u lee dahay:

1. Dhaantada= waxa laga ciyaraa somali galbeed ,gobolada dhexe,iyo 

gobolada waqooyi. 

2. Saarka= waxa laga ciyaraa koonfurta somaliya gaar ahaan gobolka 

gado. 

3. Jaandheer= waxa laga ciyaraa gobolada nugaal sool, sanaag, 

togdheer iyo gobolka bari. 

4. Saylici=waaa ciyaar loogu magac daray magalada saylac,waxa laga 

ciyaraa awdal, waqooyi galbeed iyo jabuuti.












Saturday, October 12, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 6aad )

MAGACYADA SOOMAALIDA 

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 5aad )

 QAABKAY KU QAATEEN DIINTA FURQAAN

umada soomaaliyeed waligood waxa ay ahaayeen umad muslim ah oo 

aan waligood caabudin ilaahay qayrkii, asal ahaan waxa ay haysteen 

diimihii nabi ibrahim yacquub muuse sulaymaan, dhamaan kitaabada 

iyo diimaha waxa lagu wada sheegay in uu soo bixi doono nin la dhaho 

muxamed diintiisana la raaci doono qofkii diidana uu gaal yahay, marka 

ay soomaalidu maqashay waxa soo baxay nabi la dhaho muxamed si 

toosa ayay u aadeen makka halkaas ayay soomaalidu diinta ka soo 

gaadhay, markii danbana dhulkii xabashida ayay timid diintu.

Soomaalidu waxa ay qaateen diinta islaamka inta ay san soo dagin 

suurada 4aad ee qur’aan.

Micnaha 3 suuradood marka ay soo dageen soomaalidu badankood nabi 

muxamed iyo shareecadiisaba waa ay rumeyeen, waana meesha ay ka 

timid erey bixinta caanka ah ee tidhaahda “ hadaad soomaali tahay 

muslim ayaad tahay” oo soomaalinimada iyo islaamku waa isku shardi.

Meeshii u horraysay ee diintu ka soo gashay dhulka soomaaliyeed waa 

saylac, micnaha raggi soo xaqiijinaayay nabiga in uu xaq yahay iyo in 

kale waxa ay ka baxeen magaalada saylac waxa ayna ka soo dageen 

saylac, weliba waxa la socday 3 asxaabi, oo nabigu soo raaciyay 

.

Friday, October 11, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 4aad )

CAANIMO ( HAL ABUURKII SOOMAALIDA / IKHTIRAACII 

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q:3AAD )

 Inta ka dib aan wax yar ku tusiyo abtirsiga soomaalida si aad u fahantid asalka soomaalida.

Dhamaanteen waxa aynu nahay awlaadii nabi aadam ka sukaw 

waxaynu ku abtirsana 4tii wiil ee nabi nuux (cs).

Soomaalida asal ahaan waxa ay u kala baxaan 2 qabiil,

laakiin dusha sare ka ah hal qabiil, oo dhamaantood waxa ay ku 

wada abtirsadaan hal hooyo iyo hal aabe ,2da beelood ee ay u 

kala baxaan soomaalidu : 

DIRR
FIRR

Labadan kor ku xusan waxa la isku dhaha ilma ( TIIRRI )

Ilma tiirri waxa ay ka sii yihiin ilma nagashe ilma guulle ilma 

naf karre ilma karre ilma barbar ilma xaam ilma nuux (cs).

Maanta Tiirri waxa ku abtirsada somalida iyo rendile.

Naf karre waxa ay walaalo yihiin Dul karre, Dul karre waxa ku 

abtirsada dadka masar daga ee la dhaho faraciinta, kuwa daga 

nayjar iyo chad ee la dhaho quraniyada, kuwo daga sudan.

Reer barbar waxa ay ahaayeen saddex qoys midi waa ilma karre 

balse labada kale waxa ay ku dhex milmeen carabta iyo hindida.

hadda waxa aan kuu tiriyay abtirsiga asalka somalida afartii 

awlaadii nabi nuux waxa aan galna wiilkii la dhihi jiray xaam 

waxa aan walaalo nahay kuush.

Kuush waa ninka ay ku abtir sadaan xabashida, beejada, 

luubiyiinta.

Xaam binu nuux wuxu dhalay afar wiil oo kala ah : 

Kuush
misrayim
BAR BAR / phut
kanaan

waxa ay ku wada bar baareen dhulka maanta loo yaqaan yaman gaar 

ahaan meesha maanta loo yaqaano gacanka cadan ama gacanka 

barbara waxa ay ahaan jirtay wabi, marka ay mudo halka lagu wada 

noola ayaa waxa meeshi ka guuray qoyskii reer kuush waxa ayna ka 

talaabeen wabigii iyagoo u hayaamay halkaas iyo wabiga niil,

meeshii waxa ku soo hadhay reer barbar iyaguna marka ay mudo 

daganaayeen ayay u kala hayaameen wabigii cidhifkiisa galbeed oo 

maanta loo yaqaano somaliya.

Reer kuush waxa ay samaysteen boqortooyo wayn oo ay ku 

midaysan yihiin reer kuush oo dhan,

markaasna reer barbar waxa ay iyaguna dhisteen boqortooyo,

balse waxa dagaalo soo qaaday reer kuush iyagoo ku soo duulay reer 

barbar.

Xilligaas reer barbar waxa ay u kala qaybsanaayeen laba qaybood 

qaybta cidhifka bari ee wabiga iyo cidhifka galbeed.

Reer kuush waxa la dagaalamay qaybtii galbeed balse waa laga 

awood batay.

Muddo ka dib waxa isa soo abaabulay reer barbar waxa ay 

samaysteen boqortooyo taas oo loo bixiyay PUNT.

Halkaas ayay reer bar bar ka bilaabeen nolol dheer iyo taariikh aan 

dunida horay u soo marin illa maantana jirta.

Astaantoodu waa dagaal, ilbaxnimadoodu waa ganacsi, meel walba 

oo ay aduunka ka joogaan way ka muuqdaan waa dad quruxda iyo 

nadaafada ku caan baxay.

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...