Friday, October 11, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 4aad )

CAANIMO ( HAL ABUURKII SOOMAALIDA / IKHTIRAACII 

Soomaalidu waxa ay leeyihiin taariikh aad u fac wayn sidaas darteed

waxa jira waxyaalo badan oo ay caan ku yihiin ama ay iyagu 

aas aaska lahaayeen, wax yaalahaas oo dhanna waan ka warrami

doonna.

Soomaalidu waa dadkii soo saaray markabkii ugu horreeyay ee

dunida, waxaana la dhihi jiray BEEDHA, waxa maanta laga jooga

8750 sano.

Soomaalidu waa dadka kaliya ee aan waligood caabudin ilaahay

qayrkii ama aan ilaahay u shirki yeelin.

Soomaalidu waa qoomiyada kaliya ee 7 qaaradood ee aduunkaba la

dagaalantay, bal waxaaba lagu magacaaba halyeeyada dagaalada.

Somaalidu carab iyo afrikaan waa dadkii u horeeyay ee diyaarado

lagula dagaalamay markii dhul lagaga adkaan waayay.

Soomaalidu waa dadkii caawin jiray ee hilib iyo caano u gayn jiray

carabta wakhti ay abaar ku dhacday oo la waayay dunida cid u

gurmata ama wax deeqsiisaba.

Soomaalidu waa dadkii badbaadiyay qabrigii nabiga scw iyo makka

iyo madiinaba.

Soomaalidu waa ganacsatadii aduunka ugu waynayd ee 3 qaaradood

ee asalka ahba qabsatay.

Soomaalidu waa artistayaashii / farshaxanistayaashii dunida ugu

caansanaa ee buuraha ka qori jirtay sawirada.

Soomaalidu waa dadkii sameeyay dharka jayne ama indho yarta

dhaqanka u ah.

Soomaalidu waa dadka iska leh ahraamta masar iyo suudaan.

Soomaalidu waxa ay samasteen maamulkii dunida ugu baaxada

wayna.

Soomaalidu waa dadkii soo helay jasiiradaha maldives iyo zinzibaar.

Soomaalidu waa dadkii jabiyay ciidankii boqorkii bokhtaa annasri

boqorkii 4aad ee dunida.


No comments:

Post a Comment

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...