Tuesday, October 22, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 9aad )

  NOOC YADII GUURKA

Waxa aan ka hadli doona dhaqankii soomaalidii meeshii ugu saamaynta badnayd oo ah guurka.

Soomaalida waxa jira meelo aysan ka kaftamin ama aysan dheel dheel ka

noqon oo ay ka mid tahay guurku sidaas darteed soomaalidu aad ayay uga

maahmaahday guurka oo mararka qaar dumarku waxa ay ahaan jireen kuwo 

sababa dhiig inuu daato mararka qaarna waxa ay ahaan jireen kuwo sababa 

in dhiig la daadinaayo ka hor taga oo iyagu ay sabab u noqdaan in uusan 

dhiigba daadan.

Haddaba guurka soomaalidu waxa uu u qaybsama 9 sagaal mid walbaana 

waxa sharciyo gooni ah ayuu leeyahay sharaxaad gaarana wuu leeyahay 

balse marka hore waa taxayna ka dib ayaa sharaxayna.

1. GEED FADHIISI : waa guurka ugu badan ee ay 

soomaalidu is guursato

waana kan ugu sharafta iyo qiimaha badan, sido kale waa guur uu 

wiilku in uu reerkiisa ama waalidkii uu la hadlo uu u sheego arrinta soo 

korodhay ka dibna ay waalidiintu ay u iman jireen reerka ay gabadhu ka 

dhalatay markaasay ku odhan jireen “Maanta waxa aan u socona xaajo 

aan ahayn ugub ee ah curad oo waxa aanu doonayna inaa la xididno 

hebel oo aan kula  xididno heblaayo” ( Guur sharaf leh )


2. GODOB REEB: waa guur nabadaynta waa guurka marka ay is 

dagaalaan 

laba reerood ama beelood ee uu dhiig daato ee laga cabsado in dhiigu sii 

bato ama reerahani ay isdabar gooyaan ayaa waxa la samayn jiray laba 

reerood ayaa reer walba waxa laga soo kaxayn jiray gabdho weliba 

kuwa ugu quruxda iyo qaayaha badan markaasa reerba reerka kale siin 

jiray gabdhahaas, markaasa meeshaas dabka lagu damin jiray waana 

dhiiga ay dumarku joojin karaan xataa geela oo ah noolaha ugu qiimaha 

badan soomaalida dhexdooda ma joojin karo dhiigaas illa dumar 

mooyaane. ( Guur badbaado dhiig muslim )

3. QOONMAAL / QOOMAAL: waa guurka ku dhaca qoon ama 

nabar, 

waa marka wiil uu u gaysto gabadh nabar ama uu gacan u qaado si kam 

ah  wiilkaas waxa la dhihi jiray gabadhaas qaado adaa nabar u gaystee.

( Guur bilaa dookh ah ) 

 

 

Badana wiilkuu haddu gabadha nabar uu ugu dhufto si kas ah wiilkaas waa 
la dili jiray ama mag ayaa la kala qaadan jiray oo hawshaasi ma fududayn.


F.G. barigii hore ma jiri jirin kufsi ama xad gudubka sinada ee hadda la dabo 
daboole sidaas darteed haddi ay dhici lahayd in gabadh la kufsado waxa loo 

dili lahaa 10 wiil ama 20 gabdhood magtood ayay u dhigmi lahayd.


4. HEERIN :
waa gabdhuhu marka ay meel ku waawaynaadaan ee ay 

waayaan wax guursada waxa ay samayn jireen inta ay dhawr gabdhood 

isku urursadaan ayay safar gali jireen oo ay hadba reer u tagi jireen ka 

dibna ay odhan jireen heeriin ayaanu nahay micnaha guur doon ayaanu 

nahay (  guurkani sharaf malahaan jirin waana bilaa dookh. ) hadda ma 

jiro.


5. SOO GALID: waa marka ay gabadhu wiil jeclaato si toos ah ayay u iman jirtay gurigooda oo daarada ayay soo istaagi jirtay markaasay dhihi jirtay waxa aan rabaa hebel, gabadhaa sidaas samaysa lama eryi jirin oo guurkaas lama diidi jirin haddii ay la eryo gabadha 50 keeda ama magteeda ayaa la bixin jiray. ( guurkani sharaf ma lahaan jirin ) hadda ma jiro.
6. DUMAAL : waa ninku marka uu dhinto walalkii ama qof qaraabadiisa ayaa gabadha lagu daraa sababtuna waxa weeyaan si aysan caruurtu u fogaanin ( guurkan geeri ayaa keenta.)
7. XIG SIIN : waa gabadhu marka ay dhimato wiilka waxa lagu dari jiray gabadha walaasheed ama gabadh qaraabada ah si ay caruurtii u daryeesho. ( guurkan geeri ayaa keenta)
8. MASAAFO-GAYN : waa wiilka iyo gabadha marka la isku diido waa ay isla baxsadaan oo deegaan kale ayay isla aadaan sidaasayna ku aqal galaan. 
9. DHABAR GARAAC : waa gabadha marka ay diido wiilka oo ay dhahdo ma rabo wiilku wuxu u yeedhan jiray tolkiisa gabadhana qasab ayaa lagu kaxaysan jiray.( qaab labaadna wuu ku dhici jiray oo marka laba reerood is dagaalaan balse reeraha mid ka mid ah wax laga dilo ee kuwa kale soo aar goosan waayaan ama dadka qaar xal u arkaan in dagaal waxba so kordhinayn ayaa kuwa wax laga dilay rag ka mid ahi gabadh xoog ku soo kaxaysan jireen sidaas ayuuna dagaalku si toos ah ugu bilaami jiray reerahaas oo dumarku marna shidaalka colaadaha ayay ahaayeen marna biyaha colaadaha ayay ahaayeen.


XAQA AY KU LEEDAHAY OORIDU NINKEEDA

Waa sadexda shay ee ay gabadhu Xaqa ugu leedahay ninkeeda 


• Masruuf = waa biilkeeda

• Marriin = waa labiska sida dahabka alaabaha shoppinka iyo 

wixi shakhsiyadeed ay u bahantahay

• Marasho = waa hawsha habaynkii 















 

No comments:

Post a Comment

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...