Saturday, October 12, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 6aad )

MAGACYADA SOOMAALIDA 


 ♦ Magaca soomaali waxa la bixiyay qanigii 18aad ee miilaadiga, 

ma aha magac dhamaystiran balse waa ereyo afka somaaliga ku jira

oo ah soo.. maal.. oo micnaheedu yahay caanaha soo maal. Sababta

loogu bixiyay waxa ay ahayd soomaalidu waxay ahaayeen dad marti

soorka ku fiican sidaas darteed markay marti u timaado waxa ugu

horreeya ee loo keeno waxa ay ahayd caaano ka dib ayaa wixi kale

loo keeni jiray.

REE : waa magaca ugu caansan ee asalka ah, magacan soomaalida

waxa loo yaqaanay inta uu aadamuhu jiray, waana magaca saxda ah

ee ay soomaalidu leedahay, magacan buugag badan ayaa lagu xusay

sida, buugaagtii reer giriig ee 1200 sano ka hor dhalashadii ciise,

sido kale buugaagtii hunuuda ama hindida, sido kale buugaagtii

masaarida, iyo kuwii xubuushtii bariga afrika ee maanta loo yaqaan

ethiopia.

WAAQ ama reer waaq ama dhulkii waaq, magacani waa kan ugu

caansan ee loo yaqaano soomaalida ereyga waaq waa erey af

soomali ah wuxuuna ka mid yahay magacyada ilaahay kaas oo

micnihiisu yahay. Af soomaali ( waaq = gargaare / ilaaliye /

kalkaal / gurmade / caawiye ).

Diintii nabi muxamed ( ‎) ka hor soomaalidu waxa ay haysatay

diin islaam ah, soomaaliduna waa dadka kaliya ee wali aan

taariikhda loo diwaan galin sanab caabudid ama ilaahay shirkigii bal

mar walba taariikhda diimaha baal dahab leh ayay ka gali jireen.

Magaca reer waaq waxa la dhihi jiray muddo aad u badan qiyaastii

3kun oo sano illaa 5kun oo sano, wuxuuna ku jiraa booska maanta

ay carabtu u isticmaasho ereyga ALLAAH oo kale.

Barigii hore meel walba masaajid ma ahaan jirin umad walba waxa

ay lahaan jirtay hal meel oo ilaahay lagu caabudi jiray, soomaliduna

meesha ay ilaahay ku xusi jireen waxa la dhihi jiray

CAABUD WAAQ. Maanta waa magaalo ka mid ah koonfurta

somaliya gaar ahaan goboloda dhexe.

Waxa jira ereyga waaq inuu ilaahay ku sheegay quraanka iyado waliba dhawr jeer ay ku soo aroortay aayado kala duwan sida laba jeer suratu al racdi, alghafir,iyo suurado kale, intuba waxay sheegayaan sifo uu alle leeyahay carabi ( waaq = maanic / xaafid / daafic ).









No comments:

Post a Comment

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...