Showing posts with label SHEEKO. Show all posts
Showing posts with label SHEEKO. Show all posts

Sunday, August 11, 2024

SHAEEKO FANEED

              SHEEKO FANEED


Sheeko faneed sido kale loo yaqaan sheeko dhaqameed ama sheeko

 

xariiro waa qayb ka mid ah nolosha umada soomaaliyeed waana

 

dhaqan soo jireen ahaan jiray sidaas darteed qaybtan waxa aan ugu

 

talo galay hooyooyinka iyo aabayaasha ubadka haysta si ay

 

caruurtooda uga sheekeeyaan sheekooyinkan.

Sheekooyinkan waxa ku jira qaar badan oo xaqiiq ah maalin

maalmaha ka mid ahna dhacay, iyo kuwo maalawaal ah oo la sameeyay.


    ( 1) GEESIGII LA JECLAA   

AXMED GEESI


Beri waxa jiri jirtay tuulo ay ku noolaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Dadkaasi waxa ay ku noolaayeen nolol dhib badan mar walba waxa soo

 

werari jiray cadaw kaas oo ka awood badnaa.

Dadka tuulada ku nool waxa ay ahaayeen kuwo mar walba diida in ay is

 

dhiibaan ama ay cabsadaan.

Sababta ma taqaanaa ?

Haddii ay is dhiibaan dhulkooda ayaa laga qaadanayaa, taasina ma aha arrin

 

fiican, sidaas darteed waa ay dagaalami jireen.

Marka ay muddo badan dagaalamayeen ayay maalin maalmaha ka mid ah

 

banaanka iskugu soo wada baxeen salaad ayay tukadeen waxa ayna baryeen

 

ilaahay waxayna dhaheen ilaahaw geesi na sii si aan iskaga celino cadawgan

 

naga awooda badan.

Maalmo yar ka dib nin la odhan jiray maxamed oo daganaa tuuladan ayaa

 

waxa u dhashtay wiil ama cunug yar, ka dib maxamed wuxuu iskugu

 

yeedhay dadkii tuulada daganaa wuxuuuna ku yidhi ilaahay inoo barya in uu

 

wiilkaas noqdo geesigeenii iyo hogaamiyaheeni dagaalka.

Wiilkii yaraa waxa loo bixiyay axmed.

Axmed waxa uu ku barbaaray tuuladii,dagaaladiina sidii ayay u socdeen.

Axmed yaraantiisi qur’aanka ayuu dhameeyay sido kale wuxu bartay qaabka

 

seefaha loogu dagaalamo iyo fardo fuulka sido kale leebka iyo qaansada iyo

 

waranka intaba si fiican ayuu u bartay.

Axmed wuxu ahaa mid yaraantiisii jeclaa waalidkii baarrina u ahaa.

Axmed wuxu ku fiicnaa dhanka diinta iyo aqoonta maadiga ahayd sida

 

xidigiska iyo dabaasha.


Axmed wuu waynaaday wuxuuna samaystay koox ay asxaab yihiin oo

 

dagaal yahano ah.


Sidii caadada ahayd maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu maqlay

 

axmed in ay cadawgii soo socdaan weliba iyaga oo faro badan.


Axmed waxa uu iskugu yeedhay dadkii magaalada daganaa waxa uu yidhi


Dadkaygaw cadawgeenii wuu soo socda weliba iyaga oo tiro badan ah ee magaalada hareeraheeda god dheer ka qoda oo ku wareejiya, ka dibna xaabo ku gura.”

Axmed intaas dadkii tuulada markuu u sheegay iyaguna way aqbaleen oo sidii ayay sameeyeen, isna wuu baxay oo wuxuu u tagay tuulooyin yar yar oo u dhawaa, markuu gaadhay ayuu iskugu wacay dadkii tuuladaas daganaa wuxuuna u sheegay in cadawgoodii uu soo socda wuxuna ku yidhi
War dadyahaw I dhagaysta sannad walba waxa innagu soo duula cadaw, waxa ay dilaan caruurteena iyo dumarkeena, hantideenana way naga qaataan, haddaba maanta aan isku bahaysano oo aan midawno markaasaan iska celin karnaa ee isoo raaca oo ila dagaal gala hana cabsanina.”

Sidii ayay ku aqbaleen wayna soo raaceen axmed.

Cadawgii ayaa soo gaadhay tuuladii, sidii caadada ahayd si toos ah ayay u soo galeen tuuladii manaysan ogayn godka magaalada agteeda ka qodan, balse hal mar ayay ku daateen godkii, axmed iyo ciidankiisina hareeraha ayay ka soo galeen ka dibna dhamaan cadawgii halkaas ayaa lagu baaba’shay. 
Axmed iyo dadkiisi halkaas ayay ku badbaadeen intaas wixi ka danbeeyay farxad ayay ku noolaayeen.

DHAMMAAD


DULUCDA SHEEKADA WAA DAD WALBA GEESI AYAA KU

 

JIRA, GEESIGAASNA DADKIISA AYUU BADBAADIYAA.

●  GEESINIMADA WAXA LAGU HELAA BAARRINIMADA

 WAALIDKA IYO JACAYLKOODA.

●  GUUSHA WAXA KEENA GEESINIMO IYO MIDNIMO.



                                                                          W/Q: SAMIR SULUB  "HIMILO TV" 

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...