► GARSOORKII SOOMAALIDA
Soomaalidu waligood waxa ay ahaayeen dad ilbaxsan oo horumar la
taaban karo ka gaadhay nolosha dhan walba sidaas darteed ilaahay wuxu
ku mannaystay af hodan ah iyo garaad wacan sidaas darteed xilli ay bani
aadamka qaarkood cawaan ahaayeen oo aysanba garanayn xattaa kii
abuurey soomaalidu waxa ay ahaayeen kuwo xeerar dajista wixii xukun
ahna kitaabka alle u daaya wixi wada dhaqan ah ee bulshada
dhexdeedana xeerar iyo shuruuc lagu wada nagaado u samaysta.
Marka ay laba qof wax isku qabsadaan waxa ay iman jireen geed hadhac
ah hoostii bulshada inteeda kalana ay ka soo qayb gali jirtay, waxaana
loo yeedhi jiray odayadii garta goyn jiray, oo xiligaas miyi iyo magaalo
meel kastaa waxa joogay garsoorayaal ay umadu u dooratay hawshaas
xaq ilaahayna ka cabsanaayay oo aysan jirin eex iyo laaluush midna.
Gartu waxay u kala baxdaa 5 Nooc oo kala ah:
- GAR SOKEEYE
- GAR CADDAAWE
- GAR EEX
- DABA RAQAS
- JILLIB CARRO
Haddaba garta waxa loo goyn jiray:
eedaysanaha iyo eedeeyaha labaduba inay goob joog ahaadaan.
Goobta inay shacab joogan si ay marag u noqdaan.
Garsooruhu in uu hadalka bilaabo.
Intaysan hadal eedeeyaha ama eedaysanaha in waydiimo laga waydiiyo dhibkooda.Marka xeerarka hore la buuxiyo ayaa qodobkan u danbeeya la
furi jiray oo ah in ay labada qof wax laga waydiiyo dhibkooda
intaysan iyagu wax sheeginba.
Arin marka ay timaado waxaa loo qeybiyaa labo oo kali ah
1:Dhur
2:Dhaqan
kiiis oo Dhanna waa labadaas.
dhurku waa dhiigga.
dhaqankuna waa wixii kale oo dhiigga kasoo hara oo arin ah
oo la isku Heysto.
dhurku labo ayuu isna u qeybsamaa
dhurku labo ayuu isna u qeybsamaa
1:qudh baxdey
2:qoon.
qudh baxdey waa marka qof la diley oo dhinty arinkiisa la
iskugu yimaado ayaa la dhahayaa ma qur baxdey baa mise waa
qoon.
Qoon oo loola jeedo qofkaas isku heysatan miyuu dhinty mise
dhaawac ayaa gaarey.
Qudh baxday waxa loo kala qaybiyaa laba qaybood
1 : Kas
2 : kama
KAS waxa loo kala qaybiyaa laba qaybood
1 : dil
2 : diyo
DIYO waxa loo kala qaybiyaa laba qaybood
1 : Timaado
2 : Tiigaale
Qoona waxaa looga jeedaa dhaawac ama nabar. (qaafley) ayaa
la dhahaa.
Kiisku markuu dhaqan yahey labo ayuu aqeybsamaa waa
1:xill.
2:xoolo.
hadiii uu xoolo yahey waxa la isku Heysto labo ayuu u
qeybsamaa
1:bar
2:beer.
haddii uu yahay waxa la isku Heysto barxoolad waxa uu u
qeybsamaa labo qaybood.
1:magan
2:Moore.
Moore waa xoolaha Xero dhaladka ah oo aad leedahy.
Magana waa xoolo kula jooga lkn aadan laheyn sida xoolo
baadi kuugu yimid ama xoolo maal laguu siiyey oo damac kaa
galey.
Arrintu haday tahay xilo waxa ay u qaybsantaa labo :
1 : inan / gabadh
2 : oori
Marka arin la isku heysto ay adkaato oo labada qof kala bixi
waayaan ama uu midi yidhaahdo xaq ma helin waxa lagu
yidhaahdaa milad ama marag la imaw.
Milad waa dhaarta.
Maragna waa markhaatiga.
(Miinley ayaa ladhahaa).
dhulkaas jabuuti waxaa kajira xeer i
(Miinley ayaa ladhahaa).
dhulkaas jabuuti waxaa kajira xeer iyo xeegan.
Xeer waa marka sida kitaabku qabo oo xaliye kiiska.
Xeer waa marka sida kitaabku qabo oo xaliye kiiska.
Xeegantuna waa marka abal horey la isku Galey la isku
tixgaliyo.
Erayada ku jirey qormadan
1.DHUR : oo dhiig looga jeedo.
2.DHAQAN : oo looga jeedo wixii kale ee la isku heysto.
3.QUR BAXDAY : oo looga jeedo naf baxdey ama qof la diley oo dhinty.
4. QOON : oo looga jeedo dhaawac ama nabar qof soo gaadhey oo la isku heysto.
5. BAR : oo looga jeedo xoolaha nool ee socda.
6. BEER : oo looga jeedo wixi dhul kusaabsan .
7. MAGAN :oo looga jeedo xoolo aadan laheyn oo aad heysid si kasta ha kugu soo galaane.
8. MOORE :oo looga jeedo xoolo aad adi leedahy.
9. XAGAN : oo looga jeedo abaal la isku galey arinka ka hor.
10. XEER :oo looga jeedo sida kitaabku qabo in kiiska loo
fuliyo
11. KAS : waa wax u dhacay si ku talo gal ah
12. KAMA : waa wax u dhacay si lama filaan ah
13. DIL : waa xukunka in qof tiirka la geeyo oo la toogto
14. DIYO : waa xukunka magta lagu kala qaato
15. TIMAADO : magta ma hal mar ayaad wada qaadanaysan ?
16. TIIGAALE : ma xeer cusub ayaad dajisanaysaan ?
MAAH MAAH AY LAHAYD SOOMAALIDU
« MILIL GUUDKII LAMA DHAYO »
« GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO »
« WALAALKA MAGTA LA BIXI MARAGANA KU FUR »
No comments:
Post a Comment