Tuesday, August 13, 2024

SIDEE DAL BURBURAY LOO DHISAA ?

 

            DIB U DHISKA DALKA 

Marka aan rabno in aan dib u soo noolayno dal burburay, weliba wax ka badan 40 sano ahaa fagaare colaadeed iyo goob aan lahayn kala danbayn waxa xaqiiq ah oo la hubaa in ay ahaanayso meel uu biyo dhigay musuq maasuq.

1. Haddaba waxa aan wax walba ka bilaabi karnaa bulshada deegaanadaas ku nool in la baraarujiyo, si kastoy u dhib badan tahay dadkaas in ay nagu kalsoonaadaan, sababto ah waa dad badankoodu ku dhashtay goob siyaasiyiin danaystayaal ahi ay haystaan.

2. Waa in bulshada lagu wacyi galiyaa siday wax u qabsan lahaayeen oo ay wax u soo saaran lahaayeen, inkastoy bulshadu badankoodu noqdeen kuwo caydh iyo raashin dhacay suga mar walba, hadana waxa laga maarmaan ah in warshado yaryar iyo shaqooyin loo sameeyo.

3. Waa in nabada deegaanada gacanta loo soo galiya shacabka, tani way halis badan tahay bilawga balse waa waxyaabaha dib u soo celin kara in ay bulshadu kalsooni yeelato, tusaale waxa la samaynaya ururo dhalin yaro oo ka shaqeeya arrimaha nabad sugida xaafadaha, degmo kasta waa in bulshada ku dhaqan nabadeeda sugataa, xaafad walbaana sido kale, inyar oo ciidan ah iyo dad badan oo shacab ah ayaa la isku dhafaa iyagaana la dhaha nabadiina sugta.

4. Waa in la sameeyaa akoono dhaqaale ururin shacab ah kuwaas oo siyaasiyiinta, qurbo joogta, ganacsatada, iyo dadka intii wax haysataa ay ku shubaan lacago sadaqo ah ka dibna bulshada inteeda danyarta ah hadba cidii liidata wax loogu qabtaa.

5. Waa tartanno la qabtaa sida tartanka qur'aanka iyo axaadiista. tartanka dhaqanka, tartanka jimicsiga, tartanka ciyaaraha, tartanka aqoonta maadiga, tani waxa ay kuu sahlaysaa in ay bulshadu kaa sii jeedsato, bedelkeedana ay ku jeclaato, ileen horay umay arag siyaasi naxariis u sameeya.



intaasi waa qaybta kowaad ee dal sida loo dhiso qaybta xigta ayaa soo dhigayaa inshallah.

                                                            W/Q: SAMIR SULUB "HIMILO TV"

No comments:

Post a Comment

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...