►QAABKAY KU QAATEEN DIINTA FURQAAN
umada soomaaliyeed waligood waxa ay ahaayeen umad muslim ah oo
aan waligood caabudin ilaahay qayrkii, asal ahaan waxa ay haysteen
diimihii nabi ibrahim yacquub muuse sulaymaan, dhamaan kitaabada
iyo diimaha waxa lagu wada sheegay in uu soo bixi doono nin la dhaho
muxamed diintiisana la raaci doono qofkii diidana uu gaal yahay, marka
ay soomaalidu maqashay waxa soo baxay nabi la dhaho muxamed ﷺ si
toosa ayay u aadeen makka halkaas ayay soomaalidu diinta ka soo
gaadhay, markii danbana dhulkii xabashida ayay timid diintu.
Soomaalidu waxa ay qaateen diinta islaamka inta ay san soo dagin
suurada 4aad ee qur’aan.
Micnaha 3 suuradood marka ay soo dageen soomaalidu badankood nabi
muxamed ﷺ iyo shareecadiisaba waa ay rumeyeen, waana meesha ay ka
timid erey bixinta caanka ah ee tidhaahda “ hadaad soomaali tahay
muslim ayaad tahay” oo soomaalinimada iyo islaamku waa isku shardi.
Meeshii u horraysay ee diintu ka soo gashay dhulka soomaaliyeed waa
saylac, micnaha raggi soo xaqiijinaayay nabiga in uu xaq yahay iyo in
kale waxa ay ka baxeen magaalada saylac waxa ayna ka soo dageen
saylac, weliba waxa la socday 3 asxaabi, oo nabigu soo raaciyay
ﷺ.
No comments:
Post a Comment