Inta
ka dib aan wax yar ku tusiyo abtirsiga soomaalida si aad u fahantid
asalka soomaalida.
Dhamaanteen waxa aynu nahay
awlaadii nabi aadam ka sukaw
waxaynu ku abtirsana 4tii wiil ee nabi
nuux (cs).
Soomaalida asal ahaan waxa ay
u kala baxaan 2 qabiil,
laakiin dusha sare ka ah hal
qabiil, oo dhamaantood waxa ay ku
wada abtirsadaan hal hooyo iyo hal
aabe ,2da beelood ee ay u
kala baxaan soomaalidu :
DIRR
FIRRLabadan kor ku xusan waxa la
isku dhaha ilma (
TIIRRI )
Ilma tiirri waxa ay ka sii
yihiin ilma nagashe ilma guulle ilma
naf karre ilma karre ilma barbar
ilma xaam ilma nuux (cs).
Maanta Tiirri waxa ku
abtirsada somalida iyo rendile.
Naf karre waxa ay walaalo
yihiin Dul karre, Dul karre waxa ku
abtirsada dadka masar daga ee la
dhaho faraciinta, kuwa daga
nayjar iyo chad ee la dhaho quraniyada,
kuwo daga sudan.
Reer barbar waxa ay ahaayeen
saddex qoys midi waa ilma karre
balse labada kale waxa ay ku dhex
milmeen carabta iyo hindida.
hadda waxa aan kuu tiriyay
abtirsiga asalka somalida afartii
awlaadii nabi nuux waxa aan galna
wiilkii la dhihi jiray xaam
waxa aan walaalo nahay kuush.
Kuush waa ninka ay ku abtir
sadaan xabashida, beejada,
luubiyiinta.
Xaam binu nuux wuxu dhalay
afar wiil oo kala ah :
Kuush
misrayim
BAR BAR / phut
kanaanwaxa ay ku wada bar baareen
dhulka maanta loo yaqaan yaman gaar
ahaan meesha maanta loo yaqaano
gacanka cadan ama gacanka
barbara waxa ay ahaan jirtay wabi, marka ay
mudo halka lagu wada
noola ayaa waxa meeshi ka guuray qoyskii reer
kuush waxa ayna ka
talaabeen wabigii iyagoo u hayaamay halkaas iyo
wabiga niil,
meeshii waxa ku soo hadhay
reer barbar iyaguna marka ay mudo
daganaayeen ayay u kala hayaameen
wabigii cidhifkiisa galbeed oo
maanta loo yaqaano somaliya.
Reer kuush waxa ay samaysteen
boqortooyo wayn oo ay ku
midaysan yihiin reer kuush oo dhan,
markaasna reer barbar waxa ay
iyaguna dhisteen boqortooyo,
balse waxa dagaalo soo qaaday
reer kuush iyagoo ku soo duulay reer
barbar.
Xilligaas reer barbar waxa ay
u kala qaybsanaayeen laba qaybood
qaybta cidhifka bari ee wabiga iyo
cidhifka galbeed.
Reer kuush waxa la dagaalamay
qaybtii galbeed balse waa laga
awood batay.
Muddo ka dib waxa isa soo
abaabulay reer barbar waxa ay
samaysteen boqortooyo taas oo loo
bixiyay PUNT.
Halkaas
ayay reer
bar bar ka
bilaabeen nolol dheer iyo taariikh aan
dunida horay u soo marin illa
maantana jirta.
Astaantoodu
waa dagaal, ilbaxnimadoodu waa ganacsi, meel walba
oo ay
aduunka ka joogaan way ka muuqdaan waa dad quruxda iyo
nadaafada ku
caan baxay.