Tuesday, October 15, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 7aad )

DHAQANKA SOOMAALIDA 


Marka laga hadlaayo dhaqanka soomaalida dhamaantood gees walba oo 

ay dunida ka joogan waa ay ka siman yihiin dhamaan dhaqanka guud.

Dhaqankoodu waa siday diintu qabto oo wax diinta lid ku ah dhaqan 

uma ahaa, dhanka magta waa isku wada xeer, dhanka wada 

noolaanshaha way ka wada siman yihiin idil ahaantood, dhanka xoola 

dhaqashada sadex ayay u kala baxaan geelley, lo’leey, adhi leey, taasna 

waxaa sababay dhul daaqsimeed ay ku kala nool yihiin.

Sido kale waxa jira beeralay, ugaadhsato, kallumaysato, iyo xoogsato 

ama muruq maalato.

Waxa jira wax ay ku kala duwan yihiin soomaalida dhex dooda waana 

qaab ciyaareedka iyo suugaanta.

Ciyaraha somalidu gaar u lee dahay:

1. Dhaantada= waxa laga ciyaraa somali galbeed ,gobolada dhexe,iyo 

gobolada waqooyi. 

2. Saarka= waxa laga ciyaraa koonfurta somaliya gaar ahaan gobolka 

gado. 

3. Jaandheer= waxa laga ciyaraa gobolada nugaal sool, sanaag, 

togdheer iyo gobolka bari. 

4. Saylici=waaa ciyaar loogu magac daray magalada saylac,waxa laga 

ciyaraa awdal, waqooyi galbeed iyo jabuuti.












Saturday, October 12, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 6aad )

MAGACYADA SOOMAALIDA 

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 5aad )

 QAABKAY KU QAATEEN DIINTA FURQAAN

umada soomaaliyeed waligood waxa ay ahaayeen umad muslim ah oo 

aan waligood caabudin ilaahay qayrkii, asal ahaan waxa ay haysteen 

diimihii nabi ibrahim yacquub muuse sulaymaan, dhamaan kitaabada 

iyo diimaha waxa lagu wada sheegay in uu soo bixi doono nin la dhaho 

muxamed diintiisana la raaci doono qofkii diidana uu gaal yahay, marka 

ay soomaalidu maqashay waxa soo baxay nabi la dhaho muxamed si 

toosa ayay u aadeen makka halkaas ayay soomaalidu diinta ka soo 

gaadhay, markii danbana dhulkii xabashida ayay timid diintu.

Soomaalidu waxa ay qaateen diinta islaamka inta ay san soo dagin 

suurada 4aad ee qur’aan.

Micnaha 3 suuradood marka ay soo dageen soomaalidu badankood nabi 

muxamed iyo shareecadiisaba waa ay rumeyeen, waana meesha ay ka 

timid erey bixinta caanka ah ee tidhaahda “ hadaad soomaali tahay 

muslim ayaad tahay” oo soomaalinimada iyo islaamku waa isku shardi.

Meeshii u horraysay ee diintu ka soo gashay dhulka soomaaliyeed waa 

saylac, micnaha raggi soo xaqiijinaayay nabiga in uu xaq yahay iyo in 

kale waxa ay ka baxeen magaalada saylac waxa ayna ka soo dageen 

saylac, weliba waxa la socday 3 asxaabi, oo nabigu soo raaciyay 

.

Friday, October 11, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 4aad )

CAANIMO ( HAL ABUURKII SOOMAALIDA / IKHTIRAACII 

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q:3AAD )

 Inta ka dib aan wax yar ku tusiyo abtirsiga soomaalida si aad u fahantid asalka soomaalida.

Dhamaanteen waxa aynu nahay awlaadii nabi aadam ka sukaw 

waxaynu ku abtirsana 4tii wiil ee nabi nuux (cs).

Soomaalida asal ahaan waxa ay u kala baxaan 2 qabiil,

laakiin dusha sare ka ah hal qabiil, oo dhamaantood waxa ay ku 

wada abtirsadaan hal hooyo iyo hal aabe ,2da beelood ee ay u 

kala baxaan soomaalidu : 

DIRR
FIRR

Labadan kor ku xusan waxa la isku dhaha ilma ( TIIRRI )

Ilma tiirri waxa ay ka sii yihiin ilma nagashe ilma guulle ilma 

naf karre ilma karre ilma barbar ilma xaam ilma nuux (cs).

Maanta Tiirri waxa ku abtirsada somalida iyo rendile.

Naf karre waxa ay walaalo yihiin Dul karre, Dul karre waxa ku 

abtirsada dadka masar daga ee la dhaho faraciinta, kuwa daga 

nayjar iyo chad ee la dhaho quraniyada, kuwo daga sudan.

Reer barbar waxa ay ahaayeen saddex qoys midi waa ilma karre 

balse labada kale waxa ay ku dhex milmeen carabta iyo hindida.

hadda waxa aan kuu tiriyay abtirsiga asalka somalida afartii 

awlaadii nabi nuux waxa aan galna wiilkii la dhihi jiray xaam 

waxa aan walaalo nahay kuush.

Kuush waa ninka ay ku abtir sadaan xabashida, beejada, 

luubiyiinta.

Xaam binu nuux wuxu dhalay afar wiil oo kala ah : 

Kuush
misrayim
BAR BAR / phut
kanaan

waxa ay ku wada bar baareen dhulka maanta loo yaqaan yaman gaar 

ahaan meesha maanta loo yaqaano gacanka cadan ama gacanka 

barbara waxa ay ahaan jirtay wabi, marka ay mudo halka lagu wada 

noola ayaa waxa meeshi ka guuray qoyskii reer kuush waxa ayna ka 

talaabeen wabigii iyagoo u hayaamay halkaas iyo wabiga niil,

meeshii waxa ku soo hadhay reer barbar iyaguna marka ay mudo 

daganaayeen ayay u kala hayaameen wabigii cidhifkiisa galbeed oo 

maanta loo yaqaano somaliya.

Reer kuush waxa ay samaysteen boqortooyo wayn oo ay ku 

midaysan yihiin reer kuush oo dhan,

markaasna reer barbar waxa ay iyaguna dhisteen boqortooyo,

balse waxa dagaalo soo qaaday reer kuush iyagoo ku soo duulay reer 

barbar.

Xilligaas reer barbar waxa ay u kala qaybsanaayeen laba qaybood 

qaybta cidhifka bari ee wabiga iyo cidhifka galbeed.

Reer kuush waxa la dagaalamay qaybtii galbeed balse waa laga 

awood batay.

Muddo ka dib waxa isa soo abaabulay reer barbar waxa ay 

samaysteen boqortooyo taas oo loo bixiyay PUNT.

Halkaas ayay reer bar bar ka bilaabeen nolol dheer iyo taariikh aan 

dunida horay u soo marin illa maantana jirta.

Astaantoodu waa dagaal, ilbaxnimadoodu waa ganacsi, meel walba 

oo ay aduunka ka joogaan way ka muuqdaan waa dad quruxda iyo 

nadaafada ku caan baxay.

Thursday, October 10, 2024

ASALKA SOOMAALIDA ( Q: 2aad )

FARACA SOOMAALIDA


Umad kasta oo aduunka ku nool waxa ay leedahay asal ama
meel ay ka soo jeedaan, sido kale abtirsi.
Soomaalida maanta marka la waydiiyo asalkooda  
shan aragti ayay kala sheegtaan.

  1. In ay carab yihiin.
  2. In ay masaari yihiin.
  3. In ay samaale yihiin.
  4. In ay soomaal yihiin.
  5. Iyo kuwo in ay baantu yihiin.

Haddaba shantan aragti shantuba waa ay qaldan yihiin.

Samaale waa laan qabiil oo ka mid ah soomaalida.

Soomaal waa erey aan caan ku ahayn xiliga marti ay inoo timaado.

Sadexda aragti ee kalana waa been waana wax la rabo in soomaalida lagu liido. 

Mar soomaalida DNA gooda tijaabo lagu sameeyay waxa soo baxday qaabkan. 

    1. 75.1% labka soomaalidu waa E3B1 kaas oo u laabanaya 5000 sano jiritaankiisa.
    2. Hadaba kaas hore waxa jira dhiig kale oo ka wayn oo soomaalida laga helay 24.9% labkooda kaas oo ah E1B1B wuxuuna u laabanaya 20000 sano illaa 45000 sano jiritaankiisa.

 Hadaba dhiiga danbe waxa ku abtirsanaya dhamaan aadamaha kownka saaran oo dhan waxamna la dhaha waa cidda kaliya ee laga soo farcamay.

Maanta dhiigaas cid wadata soomaali ayaa la haya.

DNA ga carabta waa 3400 oo sano, halka masaaridu tahay 6700 sano.

Soomaalida waxa loo yaqaanay REE wixi ka horreeyay qarnigii 

18aad ee miilaadiga, waxa ay lahaayeen astaan taas oo dunida 

inteeda kale aan laga aqoon waana astaanta HANGOOLKA, 

hangoolku wuxu lahaan jiray laba firaarood oo hoos u jeeda iyo 

madaxa sare ee la qabto ama la cuksado, mid walbaana fasiraad 

ayuu lahaa taas oo ahayd labada firaadood ee hoos u jeeda in ay 

ahaayeen labadii qoys ee ay soomaalidu ka koobnayd, madaxa 

sarana uu ahaa in ay hal aabe iyo hal hooyo in ay wada dhashay 

oo ay hal qoys ama issir ay wada ahaayeen.

Sido kale soomaalidu ma aysan abtirsan jirin oo sida maanta oo 

kale boqolaal oday ma aysan kala raaci jirin ee waxa ay 

lahaayeen isbahaysyo ama is xulafaysi lakin afar magac oo 

kaliya ayay iskugu wici jireen waxa ayna kala ahaayeen.

  1. BALI / BEEL.
  2. HAR / HEER.
  3. HABAR.
  4. BAH.

Dhulka ay dagi jireena sadex magac ayaa loo kala yaqaanay.

  1. IFET = dhulkii dunida, waana dhulkii uu talyaanigu gumaystay.

  2. EDEG / ETEG=dhulkii buuralayda, inta maanta loo yaqaan somaliland iyo ogaadeeniya.

  3. KEMET= dhulkii madooba ama carro madawda lahayd, dhulka maanta ay dagaan oromada, xabashida, tigrayga, illaa dhanka suudaan.

 Sido kale soomaalida waxa astaan u ahaan jirtay dumarkooda in ay ganbada ama maanta waxa loo yaqaan masarka ay guud hore oo dhanka sujuuda ku beegan ay samaysan jireen, sida aan maanta naqaano gabdhuhu xaga danbe ayay timaha ka xidhaan guud dheer oo sii jeeda ayay samaystaan lakin dumarkii hore timaha inta ay duuduubaan ayay xaga sujuuda ku beegan ku gunti jireen ka dibna ganbada ama masarka ayay xidhan jireen isna isla sida timaha ayay ku gunti jireen sujuuda maanta nashqadaas waxa ganbada u xidha ayeeyaheen una fiirsada hadaad waydiisaana waxa ay ku dhahayaan waa dhaqan.

Dhanka raguna ay weer ama walax saan laga sameeyay ay madaxa 

ku duuduubi jireen halka sujuuda ama foolka hore ku beegana ay 

qaab mas kubre oo kale ah ayay u soo taagi jireen, weliba raggu 

qaabka ay u kala darajo sarreeyaan ama u kala hodan san yihiin 

ayay u kala duwanaayeen balse dhamaantood astaantaas ayay ku 

wada labisan jiree, maanta astamahaas waxa aad ka arkaysaan 

sawirada ku xardhan dhagaxaan sanaag illaa gobolka bari side kale 

hargaysa buuraha u dhaw, isla sawiradaas ayaad ka soo helaysaa 

masar, amaba waxa aad baadhaan sawirka fircoon wax aad 

mas kubre aad moodo ayaad arkaysaa wajigiisa ka soo taagan sido 

kale gacanta waxa uu ku sitaana waa hangool.

Waxaas ay soomaalidu madaxa ku xidhan jirtay waxa la odhan jiray MAS REE , MAS RAC, MAS RAX, ujeedada loo xidhan jirayna waa in ay ka sareeyaan banii aadamka kale oo ay iyagu maamulaan, astaantaasi waxa ay soo bilaamatay xilliyadii nabi nuux ka dib gaar ahaan maamulkii u horreeyay ee uu aadame samaystay markii la sameeyay, dagaalo badan oo dunida la isku qaaday soomaalidu maamulo badan ayay cagta mariyeen sida maamulkii reer kuush, kii saamiyiinta qudus iyo baabil, illaa kii yaafisiinta bariga asiya. 





Wednesday, October 9, 2024

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 1aad )

SOOMAALIDA MAANTA NOOL


  Marka aan ka hadlaayno taariikhda umada soomaaliyeed ma aha taariikh la dhihi karo waxa ay soo bilaamatay sanadkii hebel iyo hebel illla sanad hebel kale, micnaha ma aha wax la soo koobi karo lakiin anigu waxa aan ka hadli doona 40 kun oo sano ilaa 50 oo sano waana int ay aqoontaydu gaadhsiisan tahay,

Soomaalidu waa qoomiyad ku dhaqan hadda geeska afrika idil ahaantiiba.

Juquraafi ahaan waxa ay dhacaan :

LOOLKA 13aad EE WAQOOYIGA

ILAA

LOOLKA 51.39aad EE KOONFUR

ILLAA

DHIGTA 41.300 EE GALBEED

ILLAA

DHIGTA 51aad EE BARIGA

Cabir ahaan ama bad ahaan dhulka :

DHUL 1.2 MILYAN KM² ( 463322.5903 mile square)

BIYAHA 4000 KM (1544.409 mile)

Soomaalidu Af ahaan waxa ay ku hadlaan af soomaali.

Lakin afka ay ku hadlaan waxa la dhihi jiray AF-RE.

Soomaalidana waxa la dhihi jiray ilma RE.

Waxa astaan u ahaan jirtay hangoolka taas oo ay micno ahaan u taagnayd labadii beelood ee soomaalida.

Diin ahaan waxa ay haystaan muslim 100% sunni shaaficiga ah badigoodu.

Dhaqan ahaan waa dad ad adag,

Dabeecad ahaan waa dad furfuran oo hadal badan,

Qaab ahaan waa dad dhuudhuuban,

Ma madooba mana cadda waa marriin,

Timahoodu ma adka mana jilicsana,

waa dad cod dheer, carrabkoodu waa saafi waa dad badiba afafka aduunka xarfaha ama weedhaha ay adeegsadaan kara.

waa dad kulkulul astaantoodu waa dagaal,

marti qaadka way ku fiican yihiin,

xoolo waxa ay ku dhaartaan badigoodu waa geela,

Sida ay u badan yihiin asalka soomaalidu waa :

1 : XOOLO DHAQATO.

2 : GANACSATO.

3 : DABATO.

4 : BEERALAY.


Xaga diintooda way ku adagyihiin kama gor gortamaan.

Tiro ahaan waxa lagu qiyaasa 65 milyan oo ruux 2024.

dhalin yaradu waxa ay ka yihiin 73%.

waa dhulka ay hadda soomalidu ku nooshahay


Dadka hadda loo yaqaaan soomalidu waxa ay lahaan jireen magacyo badan Sida :

REER WAAQ, REER BARBAR, REER BARWAAQ, REER PUNT, REER TIIRRI / MACROBIAN, ARDU NACJAH, ARDU JANNATAYN, sidoo kale loo yaqaan Ta Nétjer oo macneheedu yahay "dhulka ilaahyada".

Ereyga waaq waa erey micnihiisu yahay gargaare ama kaalmeeye.

 

Waana magac ka mid ah magacyada ilaahay xitaa waxa lagu sheegay

 

quraan suratu al-racdi aayada 34.

( sida uu xusay buugga dirkii sacmaalladu, magaca waaq micnihiisu waa allaha samada. 

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...