SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID
Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo
la kala odhan jiray DAAROOD IYO ISXAAQ/ ISAAQ.
Sida sheekada loo dhigay…
waxa jiray nin carbaha ka yimid gaar ahaan yaman wuxu ka soo dagay
magaalada maydh.
Dhulkan waxa daganaa reer la dhaho dir, odayga dir wuxu dhalay 4 wiil
iyo gabadh, gabadha waxa la dhihi jiray doombira dirr.
Ninkii daarood ahaa waxa la siiyay gabadhii doombiro dirr halkaas ayuu
soomalida kula dhaqmay wuxuuna dhalay 5 wiil.
Daarood wuxuu dhintay sanadkii 1108 milaadiga, waxaana lagu aasay
magaalada haylan ee gobolka sanaag.
F.G : Mararka qaar waxa la dhahaa odayga daarood waxa uu uu soo
dilay nin waana uu soo baxsaday wuxuuna yimid magaalada maydh
wuxu arkay gabdho ceel ka dhaansanaya ka dibna rag ayaa foodeeyay
darood ayaa ka celiyay gabdhihi gabadh ka mida ayaa aabaheed dirr u
sheegtay in uu jiro nin maanta garab siiyay odayga dirna uu dhahaayo
halkuu jooga markaasna ay u tilmaamayaan odaygii dirr ayaa u imanaya
daarood oo jooga geed hoostii ( geed saaran ) dirr ayaa ku odhanayaa
gabadhyda ayaa ku siinaya doombiro. Tani waa qisada nabi muuse ee
ma aha wax run ah
Sheekada labaad…
waxa jiri jiray nin la odhan jiray sheekh isxaaq kaas oo ka yimid
jasiirada carabta wuxuuna ka soo dagay magaalada maydh wuxu
guursaday 4 xaas.
Sanadku yimid waxay ahayd 1200 miilaadiga.
F.G : mararka qaar waxa la dhahaa wakhtigii gumaystaha ingiriiska
ayaa waxa dhacay in gumaystuhu dadka sadex qaybood u qaybiyay
dabaqada sare dadka ingiriiska ah, dabaqada labaad carabta iyo
hindidii shaqaalaha ahayd, dabaqada sadexaad dadkii dhulka loogu
yimid ee soomaalida ahaa ka dibna odayaashii berbera iyo burco ayaa
yidhi war niyaw innagoo dhulkan iska leh sideen dabaqada sadexaad
u joogi karnaa carabna noogala sarraysiin karaa iyo hindi, ka dib
odayaashii waxa ay qaraar ku gaadheen in ay dhaan annagu
carab ayaa nahay.
SIDA RUNTA AH….
Soomaalidu sooyaalka ama dhacdada waxa ay ku soo gudbiyaan 3nooc.
Maah maah( mararka qaar waxa jira maahmaahyo badan oo soomalidu ay ku muujiso dhacdo ama taariikh beri dhacday.
Tusaale: war mag taadu ma magtii bucur bacayr baa?
Maahmaahdaas waxa la adeegsada marka qof qaan kugu leh ama dayn
aad wixi inaad siisid uu hadana ku dhaho waxbaa iigu kaa dhiman.
Qisada bucur bacayr waa boqortooyo soomaalidu lahaan jirtay weliba
waa kuwii ugu caansana balse dhacdo dhacday markay boqortooyadu
burburaysay ayaa xikmadaas laga keenay
2. Sugaan ( waa mid ka mid ah qaabka ay soomaalidu wax iskugu soo
gudbiso.
Tusaale : Ma ogtahay cirkii iyo dhulkii baa isqabsaday cararaqdoodiiye,
adiguba caqlaad leedehe carar maxaa dhaama.?
Waa gabay tuduciisu halkaas maro wuxu kaga warramaya sayid
maxamed cabdalle xasan markii ingiriisku diyaaradaha ku soo weeraray,
gabaygaasi wuxu tilmaamaya taariikh aysan cidna goob joog u ahayn
qofna uusan buug iyo qalin ku qorin, afrika dadkii ama dalkii ugu
horeeyay ee diyaarado lagula dagaalamay markii dhul lagaga adkaan
waayay ayuu tilmaamaya.
3. Sheeko ( waa qaybta 3aad ee ay soomaalidu wax iskugu soo gudbiso
waana tan ugu saamaynta badan.
Tusaale : sheekada, dhagdheer, carraweelo, wiilwaal, mas duulaaga,
xabaalo tiiri, sadexda dibi, cigaal shiidaad, hashii ciido.
Dhamaan sheekooyinkaas taariikh ayay xanbaarsan yihiin sheeko
walbana waxa ka danbaysa taariikh fac wayn oo ay soomaalidu lahaan
jirtay.
Aan u soo laabano labadii nin ee doonta ku yimid.
Horta sheekadu dhinac way ka sax santahay dhinacna way ka qaldan
tahay.
35 kun oo sano ka hor dhalashadii nabi ciise (cs) ayay dhacday
sheekadani labada nin ee doonta ku yimid, magacyadoodu waxa ay
kala ahayeen DAA’UD IYO YISAK waxayna ahaayeen labadii nin
ee ugu horeeyay ee yimaaday bariga afrika dhulka ay ka soo dageen
ee maydh waa run lakin banii adam ma daganayn oo waxa ku noola
xayaawano duur joog ah.
Labada nin way isla socdeen oo waxa ay ka soo jeedaan reerka barbari ilma xaam ilma nabi nuux cs waana faracii ay soomaalidu ka soo fircantay ama ay ku abtirsadaan.
Ragaasi waa ragii loo diray sahamintii reer barbar marka ay kala
guureen reer kuush iyo reer misrayim waxa meesha ku soo hadhay
reer barbar iyo reer kannaan.
Nimankan qisadooda oo dhamaystiran waxa aan ku xusi doonaa qaybta
boqortooyada barbar.