Thursday, October 10, 2024

ASALKA SOOMAALIDA ( Q: 2aad )

FARACA SOOMAALIDA


Umad kasta oo aduunka ku nool waxa ay leedahay asal ama
meel ay ka soo jeedaan, sido kale abtirsi.
Soomaalida maanta marka la waydiiyo asalkooda  
shan aragti ayay kala sheegtaan.

  1. In ay carab yihiin.
  2. In ay masaari yihiin.
  3. In ay samaale yihiin.
  4. In ay soomaal yihiin.
  5. Iyo kuwo in ay baantu yihiin.

Haddaba shantan aragti shantuba waa ay qaldan yihiin.

Samaale waa laan qabiil oo ka mid ah soomaalida.

Soomaal waa erey aan caan ku ahayn xiliga marti ay inoo timaado.

Sadexda aragti ee kalana waa been waana wax la rabo in soomaalida lagu liido. 

Mar soomaalida DNA gooda tijaabo lagu sameeyay waxa soo baxday qaabkan. 

    1. 75.1% labka soomaalidu waa E3B1 kaas oo u laabanaya 5000 sano jiritaankiisa.
    2. Hadaba kaas hore waxa jira dhiig kale oo ka wayn oo soomaalida laga helay 24.9% labkooda kaas oo ah E1B1B wuxuuna u laabanaya 20000 sano illaa 45000 sano jiritaankiisa.

 Hadaba dhiiga danbe waxa ku abtirsanaya dhamaan aadamaha kownka saaran oo dhan waxamna la dhaha waa cidda kaliya ee laga soo farcamay.

Maanta dhiigaas cid wadata soomaali ayaa la haya.

DNA ga carabta waa 3400 oo sano, halka masaaridu tahay 6700 sano.

Soomaalida waxa loo yaqaanay REE wixi ka horreeyay qarnigii 

18aad ee miilaadiga, waxa ay lahaayeen astaan taas oo dunida 

inteeda kale aan laga aqoon waana astaanta HANGOOLKA, 

hangoolku wuxu lahaan jiray laba firaarood oo hoos u jeeda iyo 

madaxa sare ee la qabto ama la cuksado, mid walbaana fasiraad 

ayuu lahaa taas oo ahayd labada firaadood ee hoos u jeeda in ay 

ahaayeen labadii qoys ee ay soomaalidu ka koobnayd, madaxa 

sarana uu ahaa in ay hal aabe iyo hal hooyo in ay wada dhashay 

oo ay hal qoys ama issir ay wada ahaayeen.

Sido kale soomaalidu ma aysan abtirsan jirin oo sida maanta oo 

kale boqolaal oday ma aysan kala raaci jirin ee waxa ay 

lahaayeen isbahaysyo ama is xulafaysi lakin afar magac oo 

kaliya ayay iskugu wici jireen waxa ayna kala ahaayeen.

  1. BALI / BEEL.
  2. HAR / HEER.
  3. HABAR.
  4. BAH.

Dhulka ay dagi jireena sadex magac ayaa loo kala yaqaanay.

  1. IFET = dhulkii dunida, waana dhulkii uu talyaanigu gumaystay.

  2. EDEG / ETEG=dhulkii buuralayda, inta maanta loo yaqaan somaliland iyo ogaadeeniya.

  3. KEMET= dhulkii madooba ama carro madawda lahayd, dhulka maanta ay dagaan oromada, xabashida, tigrayga, illaa dhanka suudaan.

 Sido kale soomaalida waxa astaan u ahaan jirtay dumarkooda in ay ganbada ama maanta waxa loo yaqaan masarka ay guud hore oo dhanka sujuuda ku beegan ay samaysan jireen, sida aan maanta naqaano gabdhuhu xaga danbe ayay timaha ka xidhaan guud dheer oo sii jeeda ayay samaystaan lakin dumarkii hore timaha inta ay duuduubaan ayay xaga sujuuda ku beegan ku gunti jireen ka dibna ganbada ama masarka ayay xidhan jireen isna isla sida timaha ayay ku gunti jireen sujuuda maanta nashqadaas waxa ganbada u xidha ayeeyaheen una fiirsada hadaad waydiisaana waxa ay ku dhahayaan waa dhaqan.

Dhanka raguna ay weer ama walax saan laga sameeyay ay madaxa 

ku duuduubi jireen halka sujuuda ama foolka hore ku beegana ay 

qaab mas kubre oo kale ah ayay u soo taagi jireen, weliba raggu 

qaabka ay u kala darajo sarreeyaan ama u kala hodan san yihiin 

ayay u kala duwanaayeen balse dhamaantood astaantaas ayay ku 

wada labisan jiree, maanta astamahaas waxa aad ka arkaysaan 

sawirada ku xardhan dhagaxaan sanaag illaa gobolka bari side kale 

hargaysa buuraha u dhaw, isla sawiradaas ayaad ka soo helaysaa 

masar, amaba waxa aad baadhaan sawirka fircoon wax aad 

mas kubre aad moodo ayaad arkaysaa wajigiisa ka soo taagan sido 

kale gacanta waxa uu ku sitaana waa hangool.

Waxaas ay soomaalidu madaxa ku xidhan jirtay waxa la odhan jiray MAS REE , MAS RAC, MAS RAX, ujeedada loo xidhan jirayna waa in ay ka sareeyaan banii aadamka kale oo ay iyagu maamulaan, astaantaasi waxa ay soo bilaamatay xilliyadii nabi nuux ka dib gaar ahaan maamulkii u horreeyay ee uu aadame samaystay markii la sameeyay, dagaalo badan oo dunida la isku qaaday soomaalidu maamulo badan ayay cagta mariyeen sida maamulkii reer kuush, kii saamiyiinta qudus iyo baabil, illaa kii yaafisiinta bariga asiya. 





1 comment:

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...