Sunday, July 28, 2024

SOYAALKA SOOMAALIDA

 TARIIKHDA SOOMALIDA

Marka aan ka hadlaayno taariikhda umadda soomaaliyeed ma aha taariikh la dhihi karo waxa ay soo bilaamatay sanadkii hebel iyo hebel illla sanad hebel kale, micnaha ma aha wax la soo koobi karo lakiin anigu waxa aan ka hadli doonaa 40 kun oo sano ilaa 50 oo sano waana int ay aqoontaydu gaadhsiisan tahay,

Soomaalidu waa qoomiyad ku dhaqan hadda geeska afrika idil ahaantiiba.

Juquraafi ahaan waxa ay dhacaan :

LOOLKA 13aad EE WAQOOYIGA

ILAA

LOOLKA 51.39aad EE KOONFUR

ILLAA

DHIGTA 41.300 EE GALBEED

ILLAA

DHIGTA 51aad EE BARIGA

Cabir ahaan ama bad ahaan dhulka :

DHUL 1.2 MILYAN KM² ( 463322.5903 mile square)

BIYAHA 4000 KM (1544.409 mile)

Soomaalidu Af ahaan waxa ay ku hadlaan af soomaali.

Lakin afka ay ku hadlaan waxa la dhihi jiray AF-RE.

Soomaalidana waxa la dhihi jiray ilma RE.

Waxa astaan u ahaan jirtay hangoolka taas oo ay micno ahaan u taagnayd 

labadii beelood ee soomaalida.

Diin ahaan waxa ay haystaan muslim 100% sunni shaaficiga ah badigoodu.

Dhaqan ahaan waa dad ad adag,

Dabeecad ahaan waa dad furfuran oo hadal badan,

Qaab ahaan waa dad dhuudhuuban,

Ma madooba mana cadda waa marriin,

Timahoodu ma adka mana jilicsana,

waa dad cod dheer, carrabkoodu waa saafi waa dad badiba afafka aduunka xarfaha ama weedhaha ay adeegsadaan kara.

BUUGA DHALAN DOORIS ( Q: 10aad )

  SHEEKADII LABADII NIN EE DOONTA KU YIMID Soomaalida dhexdooda waxa caan ka ah laba nin oo doon ku yimid oo   la   kala odhan jiray DAAROO...